Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

  • Autor: Vários
  • Narrador: Vários
  • Editor: Podcast
  • Duración: 44:58:56
  • Mas informaciones

Informações:

Sinopsis

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episodios

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    28/11/2022 Duración: 02min

    Wasiirka arrimmaha dibadda Iswiidhen Tobias Billström (M) oo ey weheliyaan wasiirrada dhiggiisa ee waddammada noordiska iyo baltig-ga ayaa booqasho ku tagay Kiev. Xukuumadda dalka Hungeriya ayaa ictiraaftay ka mid noqoshada waddammada Iswiidhen iyo Finland gaashaanbuurta Nato, Johan Pehrson oo hore u ahaa Sii hayihii hoggaanka xisbiga Liberalerna, islamarkaana ah wasiirka isdhexgalka iyo suuqa shaqada ee xukuumadda Sweden, ayaa sabtidii si rasmi ah loogu doortay xilka hoggaanka xisbiga.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    25/11/2022 Duración: 04min

    Wararka Waxaa socda dhegeysiga maxkamadda labo nin oo walaalo ah, oo lagu tuhunsan yahay in ay howlo basaasnimo oo ka dhan ah oo dalka Sweden ku lug lahaayeen, laguna eedeeyay in u shaqeynayey Ruushka. Dhegeysiga maxakamadda ayaa maanta ka socota magaalada Stockholm.Haweeney macallimad ka ahayd degmada Nynäshamn, kana tirsanayd xisbiga Sverigedemokraterna, ayaa shaqadii laga joojiyey ka dib markii lagu helay in ay shabakadda internetka ku faafisay dacaayad naasiisinimo toban sano ka hor. Iyo warar kale.

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    24/11/2022 Duración: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Qiimaha qaaliyoobay ayaa waxay horseedeen in in badan oo ka mid ah shirkadaha guryuhu ay damacsan yihiin in sannad foodda inagu soo haya ay guryaha dadku deggan yihiin kiradooda aad u qaaliyeeyaan.Hay'adda kaalmada waxbarshada ee CSN ayaa iminka go'aamisay codsiyadii ugu horreeyay ee lagu dalbanayey deeqda lacageed (omställningsstöde) ee loogu tala galay dadka noloshooda bartamaha ka maraya ee raba in ay shaqada joojiyaan oo ay waxbarasho bilaabaan. Iyo warar kale

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    23/11/2022 Duración: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Bukaan ku sugan isbitaalka Södra Älvsborg ayaa dhintay ka dib markii shaqaaluhu ay si qaladan u aqriyeen natiijo hore oo ku saabsan heerka garaaca wadnaha ee EKGSweden oo ku guuleysatey horyaalnimadda ciyaarta boojadda ee adduunka.Ciyaartan oo qeyb ka ahayd koobka boojadda adduunka ee hablaha oo xulka Sweden uu fooda daray kan dalka Jarmalka. Iyo warar kale.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    22/11/2022 Duración: 04min

    Waaliddiinta carruurta guriga ku haysta oo isticmalaya fasaxa lacagta lagu qaato ee loo yaqaan " Vård av barn" loona soo gaabiyo VAB ayaa aad u batay. Daawooyinka lagu tacaalo cudurka Covid-19 ayaa hadda lagu heli karaa warqad dhakhtar qoray, sda uu qoray wargeysaka Dagens Medicin. Maanta ayaa xisbiyada Centerpartiet iyo vänsterpartiet soo bandhigeen hindisahooda misaaniyaddooda baddiilka ah, taas oo baddiil u noqon karta misaaniyadii xukumaddu soo bandhigtay labo todobaad ka hor.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    21/11/2022 Duración: 03min

    Koobka Adduunka ee ragga ayaa hadda si habsami leh uga socda dalka Qatar, balse xiisaha loo qabo in lagu soo bandhigo ciyaaraha maqaayadaha iyo baararka Sweden ayaa weli hooseeya. Nin da'diisu tahay kow iyo labaatan jir ayaa waxaa lagu xukumay xabsi 16 sano ah ka dib marii uu hooyadiis qudha ka jaray. Sida ka muuqta xukunka ninkaan ayaa hooyadiis mindi uu la dhacay ugeeriyootey bishii april ee sannadkaan. Iyo warar kale.

  • Wararkii maanta ee Raadiyo Sweden

    18/11/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ka dib kulayl dayreedkii aadka u sareeyay ayaa iminka waxaa dhammaan waddankoo dhan, koonfurta Sweden ilaa waqooyigeeda ka bilaabanaya soo di'itaankii barafka barafka.Gabar da'deedu 15 jir tahay oo lagu tuhunsanaa in ay dishay walaalkeed ka yar, ayaa maanta maxkamadi dacwad ku soo oogtay. Gabadhaan ayaa bartamihii bishii juulaay weerar ku qaadday walaalkeed ka yar oo ay ku wada sugnayeen guri ku yaal xaafadda Vällingby ee magaalada Stockholm.Dhuumaha gaaska ee Nord Stream ayaa waxaa loo geystay kharibaad weyn dabayaaqadii bishii september ee tagtey.

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    17/11/2022 Duración: 03min

    Xukuumadda Sweden iyo xisbiga heshiisku kala dhexeeyo ee Sverigedemokraterna ayaa doonaya in la baaro suurtagalnimada in dadka haysta sharciga degenaanshaha abaddiyada, laga dhigi karo ku meel gaar. Shan qof ayaa la qabtay ka dib markii lagu eedeeyay in ay lacago iyo waxyaabaha qaaliga ah, sida faraanti, silsilad iwm, ay ka dhaceen dad waayeel ah. Heshiiskii Tidöavtalet oo ay wadda galaeen xukuumadda iyo Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa xaddidaya guud ahaan arinka soogalootiga dalka Sweden.

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    16/11/2022 Duración: 03min

    Nin da'diisu ay soddomaadka tahay ayey maxakamadi ku xukuntay ka dib markii uu iskuul faraxumayn jinsi ugu geystay carruur iskuulkaas dhiganaysey. Booliiska ayaa ka digaya lacago faalso ah oo suuqa soo galay, iyagoo dadka ku boorrinaya in ay iska hubiyaan lacagaha ay qaadanayaan khaasatan shanta boqol ee xaashiida ah. Robot ku dhacay Polen, xuduuddka Yukrayn. Ulf Kristersson ayaa sheegay in ay isaga la tahay in aan lagu degdegin go'aan inta laga helayo xog ka badan waxa iminkala og nahay.

  • Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden

    15/11/2022 Duración: 03min

    Maanta oo talaada ah ayaa maxkamadda Gotland waxaa ka dhacay maxkamadayntii ugu dembaysay ee lagu qaadayey Theodor Engström oo ku eedaysan dembi argagaxisanimo ah. Laga bilaabo maanta oo ay tahay talaado, tariikhduna tahay 15 november ayaa tirada dadka adduunka ku nooli waxa ay gaareen siddeed bilyan oo qof. Sida ku cad misaaniiyada xukumadda ee 2023, ayaawaxaa korloo qaadi doonaa lacagaha dulsaarka deeynta ardayda qaatan oo loo yaqaan CSN.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    14/11/2022 Duración: 03min

    Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Tobias Billström ayaa sheegay in Sweden ay garab taagan tahay waddanka Turkiga, ka dib qaraxii argagaxisada ahaa ee lala beegsaday waddankaas axaddii shalay. Maanta waa maalintii ugu dembaysay oo ay tahay in la bixiyo canshuurta baaqiga ah qofkii lagu leeyahay. Ciddi aan bixin canshuurta haraaga ah ee ku waajibtay. Heerkulka oo gaaray heerkii u sarreeyay.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    11/11/2022 Duración: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dhaleeceyn xooggan oo ku aaddan soo jeedinta dowladda ee xarun ku-meel-gaar ah oo loogu talagalay magangalyo-doonka.Sida uu qoray SVTWixii ka dambeeyay dooddii toddobaadkan ee la xiriirtay suurtagalka in dalkan lagu meeleeyn karo hubka halista ah ee Nukliyeerka marka dalkani uu xubin ka noqdo ururka gaashaanbuurta Nato ayuu wasiirka arrimmaha dibadda Iswiidhen.Iyo warar kale.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    10/11/2022 Duración: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maxaabbiista Daacish (IS) oo xaladdoodu mugdi gashay, ka dib go'aankii iska fogaynta ahaa ee ay xukuumadda Sweden ka qaadatay ururrada Kurdidyiinta YPG iyo PYD. Ururradaan ayaa dalbaday in ay Sweden dhakhso u qaadato muwaaddiniinteeda maxaabbiista ah.Dawladdu waxay meesha ka saartay gunnada cimilada ee baabuurta, tusaale ahaan taageerada dhaqaale ee ay dadku ku iibsan karaan baabuur koronto oo cusub. Ku dhawaaqista ayaa timid hal maalin ka hor inta aysan dhamaanin waqtigii gunnadan. Iyo warar kale oo xiiso leh

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    09/11/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta, ayaa loo fariistey dhegeysi dacwad dil ah oo loo haysto eedeysane Theodor Engström. Waxaa dhegeysiga dacwadda sidoo kale soo xaadirtay hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie lööf'Shirkadda taareenadda ee SJ ayaa wajahaysa dhibaatooyin soo foodsaaray boggeeda internetka. Dawladda Kulankiihoggaamiyeyaasha Iswiidhen iyo Turkiga ee shaleyto.

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    08/11/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Shalay ayaa waxaa timid qaylo dhaan ku saabsan kiimikooyinka ku jira biyaha la cabbo ee xaafadda Unnaryd ee Småland. Biyaha dhalada ku jira ee la'iibiyo ayaa hadda ka dhammaanaya dukaamada nawaaxiga.Labadii haween ee ku jirey ruumaanka ayaa lagu wargeliyey in lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen faldembiyeed dilkii gabar 21 jir ahayd iyo rabshadeeyn meeyd ee ka dhacay degmada Vetlanda, sida uu sheegay xeerilaaliye Adam Rullman oo u warrammay wargeeyska Vetlanda Posten. Iyo warar kale

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    07/11/2022 Duración: 03min

    Shirkii cimilada caalamka oo ka furmay maanta dalka Masar iyo Ulf Kristersson oo ka hadlay. Tuhunkii faldembiyeedka ee looga shakisnaa laba haweeney kadib markii la heley meeydka garbar la la'aa degmada Vetlanda oo kor u kacay, inkastoo haeenkaasi iska dheereeyeen tuhunkaa. Saddex musharrax ayaa isu soo taagay hoggaanka xisbiga Centerpartet marka ay xilkaasi ka degto Annie Lööf.

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    03/11/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Gorgortanka heshiiska mushaarka iyo shuruudaha shaqada ee dhex marayey ururrada shaqaalaha iyo midka shaqa bixiyeyaasha, ee ku saabsan mushaar kordhinta shaqaalaha mushaarka hoose qaata, ayaa noqon doona mid aad u kadeedan.Xukuumadda Iswiidhen ka talisa ayaa hoos u dhigi doonta sannadka foodda innagu soo haya qaxootiga uu dalkani ka soo qaato dalka dibaddiisa.Qayladhaan ka soo yeertay ururka kubadda kolayga ee galbeedka Sweden, iyada oo dhawr todobaad kaliya kasoo wareegatay furitaanka cayaaraha sanadlaha ee caruurta iyo dhallinyarada.

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    02/11/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Deeymaha lagu leeyahay dhallinyarada ayaa si xawli ah u sii kordhaya, iyada oo ah xaalad si aad ah ugu badan haweenka dhalinyarada ah.Wiil dhallinyaraa ayaa booliisku qabteen ka dib dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhacay guri ku yaal Dalsland. Booliiska ayaa xalay saqdii dhexe lagu soo wargeliyey dagaalka guriga ka socda, ka dib markii telefoon loo diray.Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayuu ciidanka ammaanku kor u qaaday ilaalinta waddooyinka iyo suuqyada wixii ka dambeeyey dhacdooyinkii qaraxyada ee sabtidii ina dhaaftay, halkaas oo ey ku geeriyoodeen dad boqol kor u dhaaftay in ka badanna ey ku dhaawacmeen.

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    01/11/2022 Duración: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Raysalwasaaraha Sweden Ulf Kristersson oo magaalada Helsinki kaga qayb galaya kulanka golaha waddamada waqooyiga Yurub, ayaa yiri Sweden waa inay u aragto haysashada Nato hub nukliyeer ah, in ay tahay sugnaan amni. Imtixaan kii hore ka casrisan iyo aqoonsiga oo aan wadaha taxiga magaciisa lagu qorayn ayaa ah labo isbaddel oo saamaynaya wadayaasha taxiyada laga bilaabo maanta oo ay tahay kowda bisha november, sida uu sheegay Hoggaanka gaadiidku.Qarax sabtidii ina dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ey ku geriyoodeen 119 qof 10-an kalena la la'yahay, halka dhaawucu yahay 324 qof ayuu ku naf waayay Cabdullaahi Jaamac Cali oo isaga, xaaskiisa iyo caruurtiisu, ku dhaqnaayeen magaalada Borlänge wixii ka dambeeyey sannadkii 2015 kii.

  • Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    31/10/2022 Duración: 03min

    Ururka daladda shaqaalaha warshadaha oo shuruudeeyey mushaarkordhin 4,4% sannadka 2023. Xaaladda dhaqaale ee dalka oo hoos u dhici doonta sannadka foodda innagu soo haya sida ay shir jaraa'id ku sheegtay Elisabet Svantesson (M), wasiirka dhaalaha Iswiidhen. Mas toddobaad la raadinayey oo dib loo heley.

página 40 de 50