Sinopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodios
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
15/12/2022 Duración: 03minDaanyeero nuuca Chembansiga ah oo shalay ka baxsaday beerta xayawaanka ee Furuviksparken oo la ogeyn meesha ay cag dhigeen. Afar daqiiqadood oo lagu sugnaado qasabadda qubeeyska Shirkadda guryaha ABK ee degmada Kritianstad ayaa macaamiisheeda guryaha ka kireeysta u diraysa saacad wakhti ku xaddidan oo aanay biyuhu karin iyo warar kale oo xiiso leh.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
14/12/2022 Duración: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Waxaa maxkamada magaalada Skellefteå xukun ay ku riday, wiilki 15 jirka ahaa oo weerar u gaystay gabar 9 jir ah, isla mar ahaantana kula kacay isku day dil iyo kufsi ah xagaygi ina soo dhaafay.Degmooyin intii hore ka badan ayaa ku tallaabsadey iney hirgeliyaan tijaabadda luuqadda ee shaqaalaha xannaanada waayeelka, sida uu qoray wargeeyska shaqaalaha degmooyinka. Iyo warar kale
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
13/12/2022 Duración: 02minWakhti hadda 2 sanno laga joogo, cisbitaalka jaamacadada Sahlgrenska ee magalada Göteborg qeybtiisa hooyada iyo dhallaanka ayay ka dhacday dhacdo sababtay in uu cisbitaalku dacwo u gudbiyo booliska. Wakaaladda socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa dhaleeceyn adag kala kulantey guddiga-wakiilada caddaalada. Wakaaladda socdaalka waxay dhibaato wayn ka haysataa wakhtiyada maareynta codsiyadda Arinkaan ayaa waxaa shaaca ka qaaday guddiga wakiilada caddaalada ee JO. Iyo warar kale.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
12/12/2022 Duración: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wasiirka Gaashaandhiga Sweden, Pål Jonson oo booqasho ku tegey dalka Yukreyn. Pål Jonson ayaa la kulmay dhigiisa Wasiirka Difaaca Ukraine Oleksiy Reznikov. Hadda ayaa waxaa la xaqiijiyey in la xirayo dugsiga madaxa bannaan ee Römosseskolan ee ku yaala magaalada Göteborg. Maxkamadda sare ee maamulka ma dhageysan doonto kiiska, sidaas waxaa qortay P4 Göteborg. Hoggaamiyaha xisbiga Nyans oo mar kale loo doortay hoggaanka xisbiga.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
09/12/2022 Duración: 04minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Taliyaha booliiska Sweden oo looga yeeray guddi hoosaadka dastuurka ee baarlammaanka.Shirkadda boostada ee Postnord ayaa lagu eedeeyay in ayna fulin sharuudda u dhigan.Ururka haweenka ee xisbiga Centerpartiet ayaa doonaya Muharrem Demirok in uu noqdo hoggaamiyaha xisbiga.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
08/12/2022 Duración: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maxkamadda Sare ayaa khamiistii go'aamisay in aaney jirin wax sharci ah oo taageeraya in la mamnuuco khimaarka xijaabka ah ee ay isticmaalaan gabdhaha dhigta dugsiga xannaanada iyo sikuullada hoose.Hoggaanka gaadiidka ayaa bilaabaya nidaam cusub oo uu tareenku ku shaqayn doono, taas oo abuurtay walwal badan.Nidaamka A kassada ayaa mar kale dib u hawl galay iyadoo iminka dadku ay diri karaan saacadaha ay lacagta ku dalbanayaan, iyagoo lacagtana ku helaya wakhtigeeda.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
07/12/2022 Duración: 04minMacallin yarida Sweden ka jirta ayaa haddii aan wax is baddelin la saadaalinayaa in ay sii socon doonta ilaa iyo 2030 ka. Qeybo badan oo ka mid ah dalka Iswiidhern ayaa laga fileyaa inuu qabow iyo baraf soo dhaco maalmaha foodda innagu soo haya. Hogaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf oo waraysi siisay laanta idacada Ekot kadib xukunkii ku dhacay Teodor Engström.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
06/12/2022 Duración: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hogaamiyaha xisbiga Ceneterka Annie Lööf oo reer Värnamo ah, ayaa sheegtay in ay nafistay ka dib xukunkii maxkamadda ee Teodor Engström.Machadka xaalada dhaqaalaha oo magaciisa loo soo gaabiyo (KI), ayaa ogaaday in ayan shirkadaha Iswiidhan sare u qaadin sicirka in ka badan qiimaha uu joogo. Dadka ka shaqeeya maktabadaha buugagta ee caamka ah iyo madxafyada ayaa la kulmo handadaad iyo nacayb marba marka ka dambaysa soo badanaya, oo uga imaanaya bulshada iyo weliba siyaasiyiin ku cadaadinaya waxa ay rabaan.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
05/12/2022 Duración: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Turkiga ayaa soo dhoweeysay tarxiil uu dalkani ku sameeyay nin ka soo jeeda qowmiyadda Kurdida oo ay horey maxkamad ku taala dalka Turkigu ku xukuntay gacansaar uu la lahaa xisbiga PKK, hase yeeshee uu dalkaasi uu bixineyo dhambaallo inuu doonayo wax intaa ka badan inta aanu ansixin ka mid noqoshada Iswiidhen ee Gashaanbuurta Nato.Maanta ayaa la soo gabagabeeyey maxkamaddii racfaanka ee lagu qaadayey eedeeysane 18 jir ah oo maxkamadda degmadu horey ugu xukuntay xabsi daa'in dilkii uu u geeystay laba macallin oo wax ka dhigi jirey Iskuul ku yaala magaalada Malmö ee lagu magacaabo "Latinskola. Iyo warar kale.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
02/12/2022 Duración: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xukuumadda oo baaris u saartay sidii loo adkeeyn lahaa ammaanka haweenka lagu tacadiyo.Cilmi-baare ka howlgeli jirey jaamicadda Istockholm oo la ogaaday inuu aaminsanaa fikradda naaziga, islamarkaana chatt-ka kula xiriiri jirey eedeeysanihii Visby ku dilay kuleeylihii haweeney,, midkaasina oo lagu soo eedeeyey dil iyo fal argagixisnimo.Waalidiin dalka kala carara ilmahooda sidii ey uga badbaadin lahaayeen toogashooyinka dalka ka dhaca.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
01/12/2022 Duración: 03minLaga bilaabo maanta oo bisha diseembar tahay koow waxey ciidanka ammaanka dalku direeyskooda ku xiran karaan kaamerad duubeysa codka iyo sawirradaba. Tiro ka yar oo carruur ah ayaa sannadka ku dhashay Iswiidhen marka loo barbar dhigo wixii ka dambeeyey sannaddii 2005, sida laga xaqiijiyay xafiiska xarunta dhexe ee tirakoobka (SCB). Dadka da'doodu ka sarrayso 65 ayey kor u kacday 30 boqolkiiba isticmaalkooda cabbista khamrigu17 kii sanee la soo dhaafay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
30/11/2022 Duración: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dadka aslakoodu ka soo jeedo qaaradda Afrika ee dalka Sweden ku dhaqan ayaa la kulma tacadiyo, iyo dambiyo la xirirra nacayb.Gugii la soo dhaafay oo ay ahayd markii ugu dhibka badnayd in la helo baasaboor cusub ayaa teesaraha aqoonsiga la raqiisiyey, lagana dhigay 100 kr, halkii uu awal ka ahaan jirey 400 kr.Xisbiyada mucaaradka ayaa si adag u dhaleeceeyeen warbixin kasoo baxday xukuumada oo ku saabsan kabka korontada.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
29/11/2022 Duración: 04minWaxaa sii caadiyoobaysa iney xisbiyada Moderaterna iyo Socialdemokraterna ku midoobaan tiro intii hore ka badan ee hoggaanka maamullada degmooyinka. Haweenka siyaasiyiinta ayaa loo geeystaa naceyb iyo handdadaad ka badan, marka loo barbar dhigo dhiggooda ragga ah. Siri oo ahayd gabar labaatan jir ah oo ninkii ay nolosha wadaageen uu dilay iyadoo uu wiilkeeda ay dhawaan dhashay uu ag jiifo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
28/11/2022 Duración: 02minWasiirka arrimmaha dibadda Iswiidhen Tobias Billström (M) oo ey weheliyaan wasiirrada dhiggiisa ee waddammada noordiska iyo baltig-ga ayaa booqasho ku tagay Kiev. Xukuumadda dalka Hungeriya ayaa ictiraaftay ka mid noqoshada waddammada Iswiidhen iyo Finland gaashaanbuurta Nato, Johan Pehrson oo hore u ahaa Sii hayihii hoggaanka xisbiga Liberalerna, islamarkaana ah wasiirka isdhexgalka iyo suuqa shaqada ee xukuumadda Sweden, ayaa sabtidii si rasmi ah loogu doortay xilka hoggaanka xisbiga.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
25/11/2022 Duración: 04minWararka Waxaa socda dhegeysiga maxkamadda labo nin oo walaalo ah, oo lagu tuhunsan yahay in ay howlo basaasnimo oo ka dhan ah oo dalka Sweden ku lug lahaayeen, laguna eedeeyay in u shaqeynayey Ruushka. Dhegeysiga maxakamadda ayaa maanta ka socota magaalada Stockholm.Haweeney macallimad ka ahayd degmada Nynäshamn, kana tirsanayd xisbiga Sverigedemokraterna, ayaa shaqadii laga joojiyey ka dib markii lagu helay in ay shabakadda internetka ku faafisay dacaayad naasiisinimo toban sano ka hor. Iyo warar kale.
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
24/11/2022 Duración: 04minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Qiimaha qaaliyoobay ayaa waxay horseedeen in in badan oo ka mid ah shirkadaha guryuhu ay damacsan yihiin in sannad foodda inagu soo haya ay guryaha dadku deggan yihiin kiradooda aad u qaaliyeeyaan.Hay'adda kaalmada waxbarshada ee CSN ayaa iminka go'aamisay codsiyadii ugu horreeyay ee lagu dalbanayey deeqda lacageed (omställningsstöde) ee loogu tala galay dadka noloshooda bartamaha ka maraya ee raba in ay shaqada joojiyaan oo ay waxbarasho bilaabaan. Iyo warar kale
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
23/11/2022 Duración: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Bukaan ku sugan isbitaalka Södra Älvsborg ayaa dhintay ka dib markii shaqaaluhu ay si qaladan u aqriyeen natiijo hore oo ku saabsan heerka garaaca wadnaha ee EKGSweden oo ku guuleysatey horyaalnimadda ciyaarta boojadda ee adduunka.Ciyaartan oo qeyb ka ahayd koobka boojadda adduunka ee hablaha oo xulka Sweden uu fooda daray kan dalka Jarmalka. Iyo warar kale.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
22/11/2022 Duración: 04minWaaliddiinta carruurta guriga ku haysta oo isticmalaya fasaxa lacagta lagu qaato ee loo yaqaan " Vård av barn" loona soo gaabiyo VAB ayaa aad u batay. Daawooyinka lagu tacaalo cudurka Covid-19 ayaa hadda lagu heli karaa warqad dhakhtar qoray, sda uu qoray wargeysaka Dagens Medicin. Maanta ayaa xisbiyada Centerpartiet iyo vänsterpartiet soo bandhigeen hindisahooda misaaniyaddooda baddiilka ah, taas oo baddiil u noqon karta misaaniyadii xukumaddu soo bandhigtay labo todobaad ka hor.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
21/11/2022 Duración: 03minKoobka Adduunka ee ragga ayaa hadda si habsami leh uga socda dalka Qatar, balse xiisaha loo qabo in lagu soo bandhigo ciyaaraha maqaayadaha iyo baararka Sweden ayaa weli hooseeya. Nin da'diisu tahay kow iyo labaatan jir ayaa waxaa lagu xukumay xabsi 16 sano ah ka dib marii uu hooyadiis qudha ka jaray. Sida ka muuqta xukunka ninkaan ayaa hooyadiis mindi uu la dhacay ugeeriyootey bishii april ee sannadkaan. Iyo warar kale.
-
Wararkii maanta ee Raadiyo Sweden
18/11/2022 Duración: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ka dib kulayl dayreedkii aadka u sareeyay ayaa iminka waxaa dhammaan waddankoo dhan, koonfurta Sweden ilaa waqooyigeeda ka bilaabanaya soo di'itaankii barafka barafka.Gabar da'deedu 15 jir tahay oo lagu tuhunsanaa in ay dishay walaalkeed ka yar, ayaa maanta maxkamadi dacwad ku soo oogtay. Gabadhaan ayaa bartamihii bishii juulaay weerar ku qaadday walaalkeed ka yar oo ay ku wada sugnayeen guri ku yaal xaafadda Vällingby ee magaalada Stockholm.Dhuumaha gaaska ee Nord Stream ayaa waxaa loo geystay kharibaad weyn dabayaaqadii bishii september ee tagtey.