Sinopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodios
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
04/08/2023 Duración: 02minDad badan oo ka shaqeeya daryeelka maxaabiista ama Kriminalvården ayaa joojinaya oo ka tegaya shaqada. Labo qof ayaa la dalbaday in loo sii hayo tuhun ah in ay ku lug lahaayeen weerarkii qarax ee ka dhacay Södertälje talaadadii toddobaadkan. Rabshadii shalay ee xafladda Ereteriya ee ka dhacday Stockholm ayaa saameysay dadka ku dhaqan nawaaxiga Järva.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
03/08/2023 Duración: 02minSafaradda duulimaadyadda ee laga tago Iswiidhen ayaa si weyn u kordhay bishii Luulyo. Howlgal baaxad lahaa oo lagu soo qabtay maandooriye fara badan gobolka Skåne, ayaa dadka loo hor geynayo maxakmada waxaa ka mid ah haweeney 75 jir ah. Dhalinyaro Soomaali ah oo ku dhaqan magaaladda Göteborg, ayaa ku howlan filim loogu magac daray ''Kala fog''.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
02/08/2023 Duración: 02minXulka qaranka Iswiidhen ayaa ka guulaystay xulka qaranka Arjantiina kulanki ugu danbeeyay ee heerka guruubyada koobka aduunka ee FIFA. Booliska ayaa helay raadka dadka ka cararay goob lagu tuhunsan yahay in uu dil ka dhacay, magaaladda Göteborg. 10-15 % dadka ka weyn da'da 76 ayaa waaya arag u noqdo ama dareema mar walba in ay keli yihiin.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
01/08/2023 Duración: 02minXukuumadda Sweden ayaa sheegtay in si adag loo xoojin doono ilaalinta iyo kontoroolada xaduudaha dalka. Qarax aad u xoog badan ayaa xalay ka dhacay iridka hore guri dhisme qoysas fara badani degan yihiin kaasoo ku yaalla Ronna, Södertälje. Yaasin Cabdullaahi wuxuu ka mid yahay soomaalida Göteborg oo dhiig ku taburacayey muddo ka badan 20 sanno sida uu sheegay, mar uu laanta soomaaliga la hadlay.
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
31/07/2023 Duración: 03minWasiirka arrimaha SwedenTobias Billström ayaa la hadlay inta badan wasiiradda arrimaha dibedda ee dalalka ururka iskaashiga Islaamka ka hor kullan wasiiradaasi maanta isugu imaanaya ee ka hadlida gubida Quraanka. Degmooyinka oo imminka la saaray dadaaladda ka hortaga dambiyadda. Cimilada roobka iyo dabeysha oo hoos u dhigay sicirka korontada
-
Maanta iyo wararka Raadiyaha Sweden
28/07/2023 Duración: 02minXilli ay Yurub tirada magangelyo doonka sii kordhayaan ayey haddana tiro yari oo magangalyo doonka ka mid ah imaneyaan Sweden. Kuresha Gelle Roble, waa hooyo heysata 12 carruurah, kuna dhaqan degmadda Ljusdal. Waxay ku shaqeysaa meherada Undersköterska. Daryeelka qoyska sidaasi u ballaan ee ay hooyada u tahay, kama uusan xanibin waxa ay ku riyooneysay. Xulka Sweden oo berito la ciyaari doono xulka gabdhaha Talyaaniga.
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
27/07/2023 Duración: 02minXukuumadda ayaa eegeysa haddii ay jirto baahi ah in wax laga bedelo sharciga kala dambeynta si loo joojiyo gubista Quraanka. Booliska oo ay ku sii adkaaneyso in ay helaan fardo ay ku qabtaan howlahooda. 17 jir si samafal bilaash ah ku jara kuna nadiifiya timaha dadka ku nool waddooyinka
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
26/07/2023 Duración: 03minXukuumadda Iswiidhan ayaa maanta qabatay shir jiraa'id oo ay kaga hadleeyso waxa ay ku sheegtay xaaladihii ugu dambeeyey ee Oollaha ka dhanka ah wax yeeleynta danaha Iswidhan. Wakaaladda cuntada ooku boorinaysa dadka u dheganugul inay taxadar dheeri ah ka muujiyaan cunnadooda, maadaama uu socdo safmareen uu ka dambeeyo jeermiska Listeri-yada loo yaqaanno. Degmada Ljusdal-:Ururka haweenka caalamiga- Internationella kvinnoföreningen oo dumarka ajaaniibta gacan siiya.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
25/07/2023 Duración: 02minGuddiga masiibooyinka qaranka ayaa dhameeyey baaritaankii ay ku sameeyeen burburkii markabkii quusay ee Estonia. In ka badan 100 kun goobood oo sannadkan laga hirgelinayo qalabka cadceedda ka dhaliya korontada. Muddooyin kala duwan oo qofka laga xayiro leysanka wadidda gawaarida.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
24/07/2023 Duración: 02minGreta Thunberg, oo ah u halgame bii'ada ayaa lagu xukumey ganaax-maalmeed, markii lagu eedeeyey iney jebisay xeerka u hoggaansamida awoodda kaladambeeynta. Ururka iskaashiga islaamka ee magaciisa loo soo gaabiyo IKO ayaa xaruntiisa ka xirtay ergayga Sweden uga wakiilka ah ururka. Sucdi Jaamac oo uu ganacsigeedu saameeyen aan wanaagsaneyn ku yeeshay dagaalkii uu Ruushku ku qaaday dalka Yukreyn.
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
21/07/2023 Duración: 03minFalcelinadda dhacdaddii Quraanka shalay oo uu ka hadlay khabiir ku xeel dheereeya diimaha. Dambiile la qabtay 20 sano ka dib markii uu geystay dambiga imminka loo hayo. Göteborg oo ay ka socota howlo caruurta ee xiliga kuleylaha.
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
20/07/2023 Duración: 02minXulka hablaha kubadda cagta Sweden oo ka qeyb gelaya koobka kubadda cagata adduunka ee dumarka oosaaka ka bilwoday Australia iyi New Zealand. Yeey la dilay oo la heyb aqoonsaday. Ciidanka xooga dalka Sweden oo iibsanaya seefo.
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
19/07/2023 Duración: 02minCaruurta iyo dhallinyaradda iibiya sawiro qaawan ee galmo ee ay iska qaadaa oo kordhaya. Kaabsalo loo hindisay cudurka koleeraha. Soomaali ka qaeyb qaadaneysa koobka Gothia ee ka socda Göteborg
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
18/07/2023 Duración: 03minToddobaadka kooxaha qoob ka ciyaarka oo ka socda degmadda Malung ee gobolka Dalarna. Ciyaaryahanka darajada kowaad ee kubadda Tennis oo la ganaaxay 18 bilood. Muse Abdulkadir Muse iyo dabaasha maxaa kala heysta.
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
17/07/2023 Duración: 03minTartanka Gothia cup oo maanta ka furmaya magaaladda Göteborg. Dadka qabatimay maandooriyaha oo khasabka lagu dabiibo la soo jeediyay in la xoojiyo. Cabirka fekerku ma ahan mid aan xuduud lahayn, ayuu yiri Hassan Deri
-
Waraka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
14/07/2023 Duración: 03minViktor Karlsson waa 16 jir hibo leh oo lala socodsiiyay inuu dayrta jaamicadda Chalmers bilaabi doono. Magaca magaaladda Gävle ayaa ah midka sideedaad ee magac magaalo oo ku jira heeso lagu luuqeeyo Sweden-sida ka muuqata daraasad uu ururka STIM tobankii sano ee ugu dambeeyay middaasi oo telefishinka SVT si dhow u eegay. Waxaa jira isbedel ku yimaado dabeecadaha hurdada ee dadka qaar taasoo ay sabab u tahay xilliyada sannadka Sweden.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
13/07/2023 Duración: 03minWaalidiinta ku nool agagaarka xaafadda Bäckby ee magaalada Västrås oo ka qeyb qaadanaya siddii ay carruurtu u dareemi lahaayeen ammaan. 4 nin oo lagu ridey xukunno kala duwan kadib markey hub ku sameeyeen aaladda 3D-da ee koobiga ah kana iibiyeen kooxaha gaangiska. Halima Ali oo ka hartay dugsiga barashada afka iswiidhishka SFI iyo sababta ku kalliftay.
-
Maanta iyo wararkii ugu dambeeyey ee radio Sweden
12/07/2023 Duración: 02minXubinimada Iswiidhen ee Gaashaanbuurto NATO oo haatan ku xiraninay ansixiyaan baarlamaanada labada dal ee Turkiga iyo Hangari, islamarkaana qaadato dhowr bilood. Qaar ka mid ah waalidiinta ku dhaqan xaafadaha Järva ee magaalada Stockholm oo sammeystay urur la magacbaxey Jooji toogashada- (Stop skujtning). Muxuu yahayse muhiimada urrurkaasi?. Gollaha xuquuqul Insaanka ee Qarammada Midoobay oo maanta u codeeyay qaraar lagu cambaareynayo gubitaanka kitaabka qur'aanka.
-
Maanta iyo wararkii ugu dambeeyey ee radio Sweden
11/07/2023 Duración: 04minKa dib ogolaanshihii Turkigu ee codsiga Iswidhan ee Nato, ayaa qoraalol wadajir ah oo ku saabsan todoba qodobadalagu heshiiyey lagu daabacay bogga internet-ka ee Nato. Booliska Helsinborg ayaa ogolaaday codsi lagu doonayo in arbacada berrito ah lagu qabto bannaanbax bartamaha magaalada Helsingborg, halkaas oo lagu gubayo kutub diini ah. Barbaarinta ubadka iyo mareeynta korriimmadooda oo saameyn ku yeesha dhaqanka uu ilmahaasi yeelan doono & masiirka uu ku danbeeyn doono mustaqbalka.
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
10/07/2023 Duración: 03minToogashooyin dad lagu dilay oo dhacay dhammaadka toddobaadkii na dhaafay. Xirfadda la dhowray ee shaqada kalkaalisaha darajada hoose oo lahayn nushahar kordhin. Koriimmada dalkii Soomaaliya iyo tan halkan oo kala duwan. Barnaamijkaa oo dhammeystiran ka daalaco bogga idaacadda.